Muxuu Ka Yidhi Mareeyaha Dekedaha Somaliland Wefti Dawladda Itoobiya ah oo Tegay Dekeda Berbera?

0
171

Berbera'(Baraarugtv.com)”Waxa aannu kulan ku wada-qaadanay Dekedda Berbera, wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed. waftigan oo ka socday dalka Ethiopia waxa dhinacooda hoggaaminaayay Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka Dalka Ethiopia Mudane Dr. Alemu Sime.


  • Kulankaas oo aannu xog-waran ka siinay Dekedda Berbera iyo adeegyadeed oo horumarin lagu sameeyay, iyadoo dhammaan adeegyada Dekedu bixiso laga wada heli doonno hal goob (One stop shop).
    Sidoo kale na waxaannu uga warbixinay in Dekedu diyaar u tahay in ay u adeegto dalalka mandaqada ku yaala oo dalka Ethiopia ugu horreeyo.”sidaa ayuu yidhi Mareeyaha dekedaha iyo xeebaha Somaliland Siciid Xassan Cabdillaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here