Muuse Biixi Innuu Taliye Nuux Taani Badelo Wuxuu ka jecel yahey in Somaliland Burburto

0
88

Xildhibaaan ka sheekeeyay dhacdo xanuun badan oo muuse biixi ka qabsatey

Goojacade ka dib muuse biixi waanu u tagnay anagoo ah xildhibaano badan waxaanu rabney inaanu kala hadalo xaalka dalka

Waxan weydiney arrimo badan oo aan haboonayn inaan halkan ku soo gudbiyo qoraalkooda

Waxaanu siinay talooyin badan oo aanu u arkayney in haduu naga yeelo aanay dhacdeen taa maanta dhacday laakiin nasiib daro dheg nooma jalaqsiin

Si jeesjees ku jiruuba noona hadlay

 

Waa maalintan ogaaday in hadii la kala dooransiiyo in dalku burburo iyo inuu nuux taani bedelo uu dooran lahaa burburka dalka

 

Waxaan halkan ku cadaynayaa in hadaanu nahay golaha wakiilada aanu gabnay hawshii shacabku noo igmaday waayo waxay ahay intaan wadanku burburin aanu waajibkayaga gudano

Waxaan u soo jeedinayaa shacabka reer soomalilaan inaay midnimadooda adkeeyaan oo ninkii eelka dhigay aanu isku jeedin iyaga

Waxaan si gaara ugu sheegayaa beeshayda inaan lagu jeedin reero iyaba shacaba oo idinla mida oo xukunka muuse ku dulman ee cida dabinka idiin dhigtay welina aanay fahmin dad badani waa madaxweynaha dalka xukuma iyo wasiirada beeshiina ku abtirsada qaar ka mida oo aan hadal ku Celin karin muuse

Waxba yaan la aflagaadeyn madax dhaqameedka iyo dadkiina aragtida fog ee ay u sii muuqatey dhaqan xumada xukuumadu wado

Waxaan ku soo gebagebeeyey isku duubnaada iskana difaaca cid kastoo idinku soo xad gudubta