Mohamed Kaahin maalintii uu wasiirnimada ogolaaday buu khaladkii ugu weynaa galay, maantana Muuse Biixi baa Mohamed Kaahin xaafadiisii kula dhex jabhadeynaya. Madaxweyne Muuse weli waxuu u ciil qabaa sidii beriga uu shaanida tuurtuuri jirey loo soo balan-baliyey, ee Axmed Siilaanyo

0
441
Mohamed Kaahin maalintii uu wasiirnimada ogolaaday buu khaladkii ugu weynaa galay, maantana Muuse Biixi baa Mohamed Kaahin xaafadiisii kula dhex jabhadeynaya. Madaxweyne Muuse weli waxuu u ciil qabaa sidii beriga uu shaanida tuurtuuri jirey loo soo balan-baliyey, ee Axmed Siilaanyo
Mohamed Kaahin maalintii uu wasiirnimada ogolaaday buu khaladkii ugu weynaa galay, maantana Muuse Biixi baa Mohamed Kaahin xaafadiisii kula dhex jabhadeynaya. Madaxweyne Muuse weli waxuu u ciil qabaa sidii beriga uu shaanida tuurtuuri jirey loo soo balan-baliyey, ee Axmed Siilaanyo

“Nin baa soo xaday joog uu moodayey in subag sixin ahi uu ka buuxo, dabadeed nin dukaan Caynaba ku yaala haysta buu u yimi, oo ku yidhi jooggaas subagu ka buuxi meel ii sii dhig, markuu ninkii jooga lahaa dukaankii ka baxay buu ninkii dukaanka lahaa furay jooggii si uu u hubsado waxa joogga ku jira, markiiba waxuu arkay joog ay Muqumadi ka buuxdo. Gelinkii danbe ayuu ninkii joogga dukaanka dhigtay soo noqday oo ninkii dukaanka ku yidhi subagaas joogga ku jira dee iga iibso, ninkii dukaanka lahaa ismaba dhibine waxu ku jawaabey “ Horta adigu iyo jooggu ma is ogtihiin”. Waxaan uga golee yahay, Madaxweyne Muuse iyo Mohamed kaahin tolow ma is ogyihiin. Caqliga ma geli kartaa inuu Muuse ku yidhaahdo Mohamed Kaahin xisbiga ayaan kugu wareejinayaa ee ila shaqee, isla markaasna inuu dhabarka soo taabto labo wasiir oo ay Mohamed isku xaafad yihiin. Wasiirada waxa shaqaaleeyey madaxweynaha oo wasiiro ka dhigtay, meeshuna waa Afrika oo waxa uu Madaxweynuhu ku amro wasiiradiisa, wasiir qudha oo ka hor iman karaa ma jiro, oo waa odhaahdii ahayd “Hadduu Dhahar yidhi Allaa yidhi” oo kale.

Waxa hadaba is weydiin mudan, halkee bay salaadu ka xidhmi la’dahay?. Madaxweyne Muuse weli waxuu u ciil qabaa sidii beriga uu shaanida tuurtuuri jirey loo soo balanbaliyey, ee Siilaanyo ku soo ciyaarsiiyey wasiiradii Samaale iyo Mohamed Biixi Yoonis, si uu markaas uga aar goosto xaafadan ilka-yarta, waxuu diyaarsaday shax ama qorshe ah lafo geri iyagaa la isku jebiyaa. Wasiir Cali Mareexaan waxuu u keensaday haddii ex-wasiir Xirsi looga dhigo gudoomiye xisbiga Waddani inuu isaguna ka hor keena Cali Mareexaan, waana sababta nin kale oo Dayo Faarax ah uu wasiir uga dhigay, iyadoo uu Moxamed kaahin hore usii joogey. Wasiir Xasan Gaafadhi oo lagu tuhunsanaa garabka Mohamed kaahina wuxuu Muuse Biixi usoo dhaqdhaqaajiyey in isaga iyo Cali Mareexaanba dhinaca xisbiga kulmiyena ay u noodaan belaayo-xijaab Mohamed Kaahin la iskaga gudbayo, dhinaca xisbiga Waddanina ugu noqdaan raacdo-reeb lagaga hortegayo Ina Xaashi ama Xirsi hadba kii ay qaataan xisbiga Waddani. Arrinka si kasta ha ahaadee, Muuse waxuu doonayaa inuu Mohamed Kaahin shax-guuriyo oo marka ugu danbeysa kula gorgortamo wasiiradan Cali mareexaan iyo Xasan Gaafaadhi anigaa kaa reebayee, adiguna gudoomiyanimada xisbiga kulmiye qaado, anigana musharaxninada iiga hadh.

Isku soo wada xooriyoo, maanta Mohamed Kaahin gacanta kuma wada hayo xaafadii midaysnayd ee Siilaanyo is garab taagtey naf iyo maalba. Madaxweyne Muuse Biixina waxuu arkay xaafadii bariga Burco oo iyadoo hal raq ah hor taala. Hadraawi maxuu yidhi “ Hal la qalay raqdeedaa, Lagu soo qamaamoo, Qalalaasihii baa, Nin ba qurub haleeloo, laba waliba qaybteed, Qorraxday ku dubatoo, Qoloftiyo laftiibaa, Lagu liqay qallaylkee”. Mohamed Kaahin maalintii uu wasiirnimada ka ogolaaday Muuse Biixi buu khaladkii ugu weynaa galay, maantana Muuse Biixi baa Mohamed Kaahin xaafadiisii kula dhex jabhadeynaya, sidaas awgeed waxa lagama maarmaan ah inuu Mohamed kaahina la jabhadeeyo oo la qaadwaleeyo Muuse Biixi oo uu markaas uga tago wasiirnimada, haddii kale turubka rankiisii sare waxay gacanta ugu jiraan imminka Muuse Biixi, abtigayna laf buu toobin ku hayaa. Haduu Muuse daacad u yahay Ina Kaahin waxuu ka reebi lahaa wasiiradiisa. Ka joogga ah iyo ka ninka joogga dukaanka dhigtay kii aad kala tihiin, imminka idiin kala garan mayno, laakiin waxa iska cad inaanay Madaxweyne Muuse iyo wasiir Mohamed Kaahin is ogeyn.” “Waxa Qoray Siyaasi Cali Kubad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here