“Miisaaniyad sanadeedka 2023-ka,siddii Dadka Reer Somaliland Biyo Nadiif Ah,Caafimaad Iyo Waxbaraasho Ma…”…

0
378

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta maaliyadda Md. Mohamed Abdi Gurhan ahna gudoomiyaha qaybta khayraadka dawlada ee wadaagaha maamulka (Publlic Resource Sub-Sector of the Governance Sector) oo midaysa toban (10) ka mid ah wasaaraddaha iyo hay’addaha dawlada Somaliland ayaa khamiistii shalay [06/10/2022] yeeshay shirkoodii saddex-biloodlaha ahaa.


Agaasimaha guud ee WHM ayaa xubnihii kala mataleyey wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada qaybtani midayso mid-mid uga dhegaystay waxyaabihii u qabsoomay mudooyinkii u dambeeyey, waxyaabaha u qorshaysan inay gaadhaan waqtiga dhow iyo ka fogba. Dhinaca kale agaasimuhu waxa uu ka warbixiyey dedaalada kala duwan ee ay wado/ku jirto wasaaradda horumarinta maaliyadu haday noqoto dhinacyada daah-furnaanta, isla xisaabtanka iyo daadejinta miisaaniyada dawladda isagoo agaasimuhu bayaamiyey meelaha mudnaanaha la siiyey miisaaniyad sanadeedka 2023-ka kuwaas oo ay ugu horayso sidii dadka reer Somaliland meel ay joogaanbaa loogu heli lahaa biyo nadiifa oo ku filan, iyada oo khasnada dawladda laga hirgelin/fulin doono mashaariico la xidhiidha biyaha sida ceelal, baliyo, dhaamam, riigag iyo biyo xidheeno.

Meelaha kale iyagana mudnaanaha la siiyey waxa ka mida caafimaadka, waxbarashada iyo deegaanka.
Wasaarada Qorshaynta Qaranka oo iyaduna qayb ka ah qaybtan ayaa sheegtay in qorshihii horumarinta qaranka ee saddexaad uu meel gebo-gebo ah marayo, ku dhawaad 80%na hada la dhamaystiray lana rajaynayo inuu dhawaan soo baxo.
Waxa kale oo is la Kulan-hawleedkan lagaga wada hadlay sidii loo dabaqi lahaa maxsuulkii kasoo baxay shirkii dhaqaale ee Somaliland (Somaliland Economic Economic Forum Outcomes) ee dhawaan lagu qabtay caasimada Somaliland ee Hargeisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here