Maxay tahey U-jeeddada Abaabulka Ciidan Ee Wasiir Maxamed Kaahin Uu Ka Wado Hargeysa?

0
181

Berbera,(Baraarugtv.com)-Masuuliyiinta Gobolka Saaxil ee xeebaha somaliland,ayaa maanta dardar galin dhanka abniga xeebaha iyo dekedaha somaliland ka bilaabay xeebta biyaha dalka somaliland.

Wasiirka arimaha gudaha oo saaka soo booqday Taliska Ciidanka Ilaada Xeebaha JslTaliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Admiral Axmed Hurre Haarriye iyo saraakiisha kale ee Ciidanka ayaa Wasiirka ku soo dhoweeyey Taliska Ciidanka.

Wasiir kaahin ma qordhe dagaal ayuu ka waddaa Somaliland?
Wasiir kaahin ma qordhe dagaal ayuu ka waddaa Somaliland?

Ugu horreyn Taliyaha ayaa war bixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL shaqada culus ay qaranka u hayaan Ciidanka ilaalada Xeebaha, kuwaasoo ilaaliya badda dheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Mareeyaha Dekedaha iyo xeebaha biyaha Somaliland Eng.Siciid Xassan  Cabdillaah,ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta muddooyinkii u dambeeyay wuxuu wadey mareeyaha dekeduhu siciid abaabul iyo dardar galin cusub oo boodhka looga jafayo laguna wargaliyey dhamaan ciidamada iyo saraakiisha ilaalada xeebaha somaliland,isla markaana mareeyaha ayaa u jeediyey khudbad ku saabsan xaaladaha ku soo kordhay biyaha badda cas.

Wasiir maxamed kaahin axmed iymasuuliyiinta dawladda u qaabilsan amaanka oo isaguna ka hadlay xaaladaha ku soo kordhay biyaha badda cas,isla markaana waxay kula dardaarmeen inay sii laba-laaban ilaalinta ammaanka xeebaha biyaha somaliland.