Maxamuud Xaashi: lix ruux waa in aanay maanta lix hal seegin.

0
1617

Rag allow waa la Doogiye, yaan la Dacaroon

Loolankii iyo laacdankii doorashadu, mar haduu dhamaaday. Waxaan leeyahay, siyaasadu waa lur iyo laleemo badantahay’e, lix ruux waa in aanay maanta lix hal seegin.
1. Gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada waa in aan hal seegin
2. Labada gudoomiye xigeen ee la doortayna waa in aan hal seegin
3. Madaxweyne Muuse Biixina waa in aan hal seegin
4. Gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka, waa in aan hal seegin
5. Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje, isna waa in aanu hal seegin
6. Aniga iyo rag kalana, waa in aanu hal seegin.

Gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada Somaliland mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxaa horyaala hawla badan oo aad loo hillaadinayo. Shalay hadii uu ahaa musharax, ay garab kali ahi gacal iyo gaashaan u yihiin, maanta waxa uu oday guud u noqday, labadii garab ee gulufka iyo gaaduhu u dhexeeyay labada bilood ee gowda ah. Sidaa darteed, gudoomiyaha waa in aanay seegin in ay la gudboon tahay in uu ururiyo, ititibiyo, isku ulo, Isla markaana idilkood isugu faaliyo mudanayaasha aqalka cusub.

La soco qormada taxanahan qaybtiisa danbe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here