Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Cadeeyay In Xoog Beesha Habar-awal Kaga Qaadey Xisbigii Kulmiye Beesha Habarjeclo

0
317
Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Daboolka Ka Qaadey In Xoog Beesha Habar-awal Kaga Qaadey Xisbigii Kulmiye Beesha Habarjeclo
Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Daboolka Ka Qaadey In Xoog Beesha Habar-awal Kaga Qaadey Xisbigii Kulmiye Beesha Habarjeclo

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa saaka Ururka siyaasadeed cusub kaga dhawaaqay magaalada Hargeysa, isla markaana khudbad uu ka jeediyey madasha urur loogu magacdaray Kaah wuxuu sheegay sababta keentay in ay burburto heshiiskii beesha Habar-awal, gaar ahaan Beesha Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Sacad Muuse iyo Habar-jeclo.
Maxamuud Xaashi cabdi ayaa caddeeyay in beeshii Muuse Biixi ee Sacad Muuse kaga baxeen heshiiskii beesha Habarjeclo ugu gacan-galisay xisbigoodii Kulmiye.“Anigu waxaan ka mid ahaa maanta dadkii damaca ka lahaa hogaanka xisbiga Kulmiye.waxa adkaatey in damacaygii xaqiijiyo iyo midaynteenii xeradeenii iyo xisbigeenii Kulmiye, waxaanu garwaaqsaney markii talo badan oo gargaar ah in shidhka kulmiye, inaga iyo walaaladeenii kale innuu ina wada qaadayn.Haddii walaaladeenii Kulmiye wax la yeelan kari-wayney ceeb maaha inaynu wax kala yeelano.haddii aynu awoodi kari-waynay inaynu is kaashano. Haddi xeradii kulmiye wada gufayn kari wayno meelaha dal-daloolada oo cid gaar ah qufulato xisbigii Kulmiye, wax noo diidaaya in xero kala yagleelano ma jirto.haddii rag geel ka dhaxeeyo, is gohaadin ma waayo.Gobaadey taladeedaa nin-ba gees ka arkaa.mar haddii xeradeenii kala weegaranay, wax sheg-sheeg reeban.waxaan leeyahay walaalayaal wax sheg-sheegeena iyo ceeb reeban.meesha aynu saaka yagyeelnay ee ururka Kaah ma noqon doono mid reer loo nisbeeyo ama aniga lay-nisbeeyo.”ayuu Yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi.
Haddaba, dhawaaqa ka soo yeedhay Maxamuud Xaashi Cabdi oo khudbadiisu u dhacaysay in xisbigii ay aas-aastay beesha Habarjeclo ee Kulmiye maanta laga qaaday beeshii mulkiilada Kulmiye laheyd ee Habarjeclo oo uu aas-aasay Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo Kulmiye, laakiin wakhtigii ururka uu ahaa Kulmiye waxa kaliya ee u codeeyay, ururnimana ka soo saarey beesha Habarjeclo, halka beesha Habar-awalna ay wadatey ururkii hormuud ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Cumar Carte qaalib.Balse markii ururkii Hormuud ee Cumar Carte qaalib ku hadhay Ururnimada waxay heshiis wada galay xisbiga kulmiye oo xiligaas Axmed Siilaanyo Guddoomiye ka ahaa, taasoo maanta ay u muuqatey hadalkii Maxamuud Xaashi cabdi in beesha Habar-awal xoog kaga qaadey beesha habarjeclo xisbigii Kulmiye.
Office Hargeysa Somaliland
Emial:-Xafiiska Guud ee Warbaahinta Baraarugnews.net Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here