Magacaabista Raysal,wasaare Ku-xigeenka Cusub ee Dawladda Soomaaliya Xasan Cabdi cawad &Beesha uu ka Soo Jeedo Ee Gobolka Togdheer Ee Somaliland

0
356
Magacaabista Raysal,wasaare Ku-xigeenka Cusub ee Dawladda Soomaaliya Xasan Cabdi cawad
Magacaabista Raysal,wasaare Ku-xigeenka Cusub ee Dawladda Soomaaliya Xasan Cabdi cawad

Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Raysal,waasare ku-xigeenka cusub ee dawladda faderaalka Soomaaliya u magacaabaaya Xasan Cabdi Cawad.

Magacaabista Raysal,wasaare Ku-xigeenka Cusub ee Dawladda Soomaaliya Xasan Cabdi cawad
Magacaabista Raysal,wasaare Ku-xigeenka Cusub ee Dawladda Soomaaliya Xasan Cabdi cawad

Xasan Cabdi Cawad, ayaa ahaa masuulka shirkadda Dahabshiil Group u qaabilsan Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, balse saddex cesho ka hor ayuu ka tegay,kuna wareejiyey Cumar Xasan Yoolac xafiiska shirkadda Dahabshiil Guruub ee koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay,kana ag-dhaw xafiiska madaxtooyada Muqdisho ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Shabakadda Baraarugnews.net u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Raysal-wasaare ku-xigeenka cusub ee uu doonayo innuu magacaabo yahay Xasan Cabdi Cawad.Balse masuuliyiin ka tirsan laamaha shirkadda dahabshiil ee Muqdisho ayaa iyaguna warbaahinta Baraarugnews u cadeeyay in sababta uu shaqada uga tegay tahay Xasan Cabdi Cawad xafiiska shirkadda Dahabshiil guruub ee koonfurta iyo badhtamaha soomaaliya ku leedahay magacaabista Raysal-wasaare ku-xigeebka dawladda Soomaaliya.
Sidoo kale, Raysal-wasaare ku-xigeenka Cusub Xasan Cabdi Cawad ee dawladda Soomaaliya,ayaa ka soo jeeda beesha Isaaq gaar ahaan beesha Habarjeclo ee Gobolka Togdheer.Isla markaana magacaabista Xasan Cabdi Cawad ayaa taala ama saran miiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmaha fooda inagu soo haya ku dhawaqaaya Raysal-wasaare ku-xigeenka cusub ee dawladdiisa innuu yahay xasan cabdi Cawad.

Emial:-Xafiiska Guud ee Warbaahinta Baraarugnews.net Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here