Magaalooyinka kala duwan ee dhulka somaliland,ayaa maanta si weyn looga xusay 18 may ee sanad-guurada 33-aad

0
38
Xuska 18 May Gobolka Saaxil

Somaliland,(Baraarugtv.com)-Magaalooyinka kala duwan ee dhulka somaliland,ayaa maanta si weyn looga xusay 18 may ee sanad-guurada 33-aad ee ka soo wareegtay markii ay dib ula soo noqotay maddax-bannaanideeda wixii la isku odhan jiray soomaali weyn,markii ay lixdankii isku biireenXuska 18 may sanad guurada 33-aa waqooyiga iyo koonfurta.

Magaalooyinka waa weyn ee somaliland,sida Burco,Boorama,Ceerigaabo,Berbera,Caynaba,Oodweyne,Wajaale,Hawd Sheekh iyo Gar,adag iyo meel kasta oo ka tirsan dhulka deegaanada Somaliland,ayaa maanta shacab weynaha reer Somaliland ku dhigeen debaal degyo ay ku muujinayaan madax-bannaanidooda.kuwaas oo beesha caalamka u diray fariin ah in gooni isu-taaga Jamhuuriyada somaliland tahey mid aan gorgortan la galin karin.