“Magaalada Hargeysa waxaan uga soo baxay, aniga iyo reerkeygii waddankii aan ku dhashay…”Aadan Sune

0
417

“Magaalada Hargeysa waxaan uga soo baxay aniga oo reerkeygii wata in waddankii aan ku dhashay
Muqdisho,(Baraarugnews.net)-Sheekh Aaadan Cabdiraxmaan Warsame “Sunne”, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay goobta uu ku sugan yahay.
mas’uuliyiinta Somaliland ku dhawaaqeen inuu ka baxsaday magaalada Hargaysa oo uu degenaa ayaa wareysi siiyay BBC-da, isagoo ku sugan deegaannada ay maamulaan kooxda Al-Shabaab.
Waxa uu xaqiijiyay in uu kasoo baxsaday Somaliland, isagoo eedeyn u jeediyay maamulka Jamhuuriyadda iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
“Magaalada Hargeysa waxaan uga soo baxay aniga oo reerkeygii wata in waddankii aan ku dhashay oo aan ka ahaa nin culimo ah oo ku howlan dacwada Islaamka iyo tarbiyada Islaamka ay igu timid carqalad xooggan oo ku wajahan howlsheyda, taasoo kaga timid nidaamka ka jira meesha,” ayuu yidhi.
Sheekh Aadan Suna ayaa BBC-da u sheegay in uu hadda ku sugan yahay meelaha ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.
“Hadda waxaan joogaa meel ka mid ah dalkeygii Soomaaliya, gaar ahaanna ku suntan qaybaha wilaayaadka Islaamka ay gacanta ku hayaan. Waxaan dhex mushaaxayaa wilaayaadka 11-ka ah ee ay gacanta ku hayaan xaradaha Shabaab,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here