Madaxweyne Biixi Oo Wakiillada ku celiyay xeerka Furista Ururrada

0
402

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi ayaa Golaha wakiillada ee cusub dib ugu celiyey ‘xeerka nidaamka ururada iyo axaabta siyaasada (XEER No. 14/)’ oo dhowaan uun uu Golaha guurtidu u gudbiyey.

Ilo xogogaal ah ayaa ii xaqiijiyey, in madaxweynuhu uu shirguddoonka Golaha wakiilada u gudbiyey qoraal rasmi ah oo uu ku wargelinayo soo celinta xeerkaas. In kasta oo aanan ogaan waxa uu madaxweynuhu ku sababeeyey.

Waxaa la filayaa maalmaha soo socda in xildhibaannada wakiillada lagu wargeliyo soo celinta xeerkaas, gaar ahaan ansixinta xeer-hoosaadka wakiillada kaddib.

Xeerkan ayaa dhigayey in ururrada siyaasadda la diiwaangelin doono lix bilood ka hor waqtiga dhicitaanka liisanka xisbiyada, taas oo abuurtay doodo la xidhiidha sida ay xisbiyadu ku geli doonaan doorashada soo socota ee madaxtooyada oo ah Nov. 2022, maadaama oo diiwaangelinta ururradu ka soo horreyso.

Dad badan oo xitaa masuuliyiin xisbiga Kulmiye ka tirsani ku jiraanna waxa ay u fasireen, in madaxweynaha muddada loo kordhinayo.
@ Kamaal Marjaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here