Madaxweynaha JSL Oo Dhaqan-galiyey miisaaniyadii sannadka 2023-ka

0
439
  • Hargeisa, December 19, 2022 (W.H.M) Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxaayne oo uu maanta Soo-saaray ku dhaqan-galiyey Miisaaniyad-sannadeedka Dawladda Ee 2023-ka.

Wareegtadda Madaxwaynuhu maanta soo-saaray ayaa iyadoo dhanaystiran u dhignayd Sidan:-

“WAREEGTO MADAXWEYNE; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-966/122022, ku dhaqan-geliyey maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2022, Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka.Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda

Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-

04/956/2022 ee ku taariikheysan 03/12/2022, kuna

ansixiyeen

Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Hay’adaha Madaxa- bannaan ee Dawladda iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH= 3,581,440,706,340/= (Saddex Tirilyan, Shan Boqol Kow iyo Siddeetan Bilyan, Afar Boqol iyo Afartan Milyan, Toddoba Boqol iyo Lix Kun, Saddex Boqol iyo Afartan Shillin Somaliland ah). Miisaaniyaddu waxay dhaqan-gal noqon doontaa 01 January 2023”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here