Maalinta beri ah, wariye Bushaaro Baandey oo gaynayo Maxkamada magaalada Hargeysa &Go’aanka Maxkamadda

0
154

Hargeysa,(baraarugnews)-Maalinta beri ah,ayaa la sheegay in wariye Bushaaro Baandey la gaynayo Maxkamada magaalada Hargeysa,isla markaana xogo lagu kalsoon yahey ayaa u sheegay telifeeshanka baraarugtv  in loo jaro 7 cisho oo kale oo rumaan ah waxaana loo wadaa in xabsiga Gabiley loo wareejiyo.

Dadka kasoo horjeeda dulmiga Bushaaro berri maxkamada horteeda kaalaya si aydin u aragtaan tacadiyada loo geystay gabadhaas Soomaaliyeed.

Korneyl Biixi waxa Baryo ugu tegey Maxamed Kaahin iyo odayaal Habarjeclo oo ah waxaa lay sheegay in uu diiday oo ku yidhi gabadhaasi cadowga ayay isoo raacday wuxu u jeedaa Dhulbahante ayaa taageertay mana sii deynayo hadda.

Odayaashu inay damiintaan xataa oo dhakhtar la geeyo ayna guriga Maxamed Kaahin joogto inta kiiskeedu socdo waa la diiday.

Bushaaro waxay galabta gashay xaalad miyir doorsoon ah sida askari dulmi diid ah oo saldhiga dhexe ee Hargeysa joogaa ii sheegay caawana qolkii madooba ayay ku qufulantahay xaaladeeda cidna ma oga.

Bushaaro Tolkeed mee.?

Mohamed Yusuf Bakayle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here