“Kulmiye Ma rafan-doono ee wuu soo rogaal celin doonaa”

0
370

“Kulmiye Ma rafan-doono ee wuu soo rogaal celin doonaa”

W/Q Amb Baashe Cawil

Waa Gallad Eebe inaynu sooyaalkeena taariikheed ee Somaliland markale ku qornay dhacdo dhif iyo naadir ka ah guud ahaan Africa, taas oo ah inaynu noqonay dal isku tashaday oo ka koray gacan hoorsi Shisheeye, kana midho dhaliyay dimuqraadiyad dadku ay ku doortaan mudanaha ku haboon ee wakiil uga noqon lahaa baahiyaha aas-aasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale.

Dalal badan oo innaga hayn badan waxay ku noqotay dimuqraadiyadeenu cashar iyo cibro ay wax ka bartaan, sidaas darteed muuqaalka iyo milgaha sharafeed ee Somaliland heshay ayaa inna wada deeqa.

Haddii si gaar ah aan uga imaado guud markayga una soo daadago gudaheena,
Tartankii doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee soo dhammaaday, sida sharciga ahna looga sii gudbay loolankii shir-guddoonka oo guushii dhinac raacday, waxaynu markale si Midnimo ah iskugu hambalyeynay talaabada aynu hore u sii qaadnay.

Haddaanu nahay Kulmiye weyne waxaan si cad idiinku sheegaynaa in xisbiga Kulmiye aanu noqon doonin mid guul-darada maanta uu la kulmay sammeyn taban ku yeelan doonin, Balse xisbigu noqon doono mid dib isku noqda oo dib u habayn iyo hufid samayn doona, taas oo horseedi doonta inuu saxo wixii khaldamay tagtadii, timaadadana ku hoggaamisa guulo kale oo taariikhi ah.
Ugu dambayntii waxaan Leeyahay “Kulmiye Ma rafan-doono ee wuu soo rogaal celin doonaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here