Jamaal Cali Xuseen “wakhtigii Sanka la is goosanayay gaadhay..”

0
1566

Laba nin oo reer New York wadaa ahaa oo midna deegaanka Badhan ka soo jeeday, ka kalena ka soo jeeday deegaanka Laascaanood ayaa is dilay oo ay xurguf dhex martay ilaa markii danbe ay gacanta isu qaadeen. Dagaalka dhexdiisii ayaa kii reer Badhan sanka laga qaniinay. Adigu labaddii nin waa la heshiisiiyey oo ninkii reer Laascaanood waxaa lagu xukumay inuu kharashkii yaraa ee dhakhtarka bixiyo, xaalna bixiyo. Haddaba kii reer Laascaanood oo isagu ahaa Bad-mareen (sea-man) ayaa subaxdii xigtay markabkiisii New York ka fuulay. Muddo lix bilood ka dib ayaa ninkii reer Badhan isagoo maqaaxi Soomaali leedahay oo New York dhex fadhiya oo weliba turub ciyaaraya ayaa waxaa iriddii maqaaxidda ka soo muuqday ninkii reer Laascaanood ee hore isaga ay wax u kala gaadheen. Haddaba isagoo la filayo inuu gacantiisa kolkaasi ciyaaro ninkii reer Badhan ayaa kooxdii turubka la ciyaaraysay ku baraarugaysaa isagoo indhahiisu ay meel ku foogan yihiin. Mar qudha ayeey yidhaahdeen waar dee ciyaar maxaa kugu dhacay ee aad eegaysaa. Xaggay wax kale ka sugayeen ayuun buu yidhi; “Waxba igumay dhicine wakhtigii sanka layska goosanayey bay gaadhay!!!!” Asxaabtiina kolay ninkuu eegayey arkeen ayeey qosol kala jeesteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here