Guddoomiyaha Beelaha Irir Samaale Oo Arrimo khatar ah ka Hadlay Dagaalka Laascaanood

0
254
Gudoomiyaha-beelaha-Irir-Samaale-Prof-Cabdiraxmaan-Axmed-Jaamac-Shunuuf.
Gudoomiyaha-beelaha-Irir-Samaale-Prof-Cabdiraxmaan-Axmed-Jaamac-Shunuuf.
Gudoomiyaha-beelaha-Irir-Samaale-Prof-Cabdiraxmaan-Axmed-Jaamac-Shunuuf.
Gudoomiyaha-beelaha-Irir-Samaale-Prof-Cabdiraxmaan-Axmed-Jaamac-Shunuuf.

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Guddoomiyaha beelaha Irir Samaale, Prof.Cabdiraxmaan Axmed Jaamac (Shunuuf),ayaa sheegay in dagaalka daarood-simka ah ee laga wado Gobolka Sool uu horseedaayo arrimo halis ah oo ka dhex-dilaaca guud ahaan dhulka soomaalidu ay degto iyo nacayb badan oo ka dilaaca dhamaan bulshada Afsoomaaliga ku hadasha oo dhan innuu keeno.Isla markaana wuxuu sheegay xitaa inay halis iyo saameyn ku keeni karto guurka haweenka soomaalida ama xididnimada ee kala guursiga hablaha soomaalida.”Waxay ku dhawaaqday beesha daarood in ay joojisay guurka Gabdhaha ama Hablaha Beesha Isaaq.waxay sababaysaa arrinkaas daaroodku ku dhawaaqeen maxay noqonaysaa? haddaanu nahay beelaha Irir samaale shir ayaanu ka wadnaa magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, kaas oo aanu kaga hadlayno arrinta ay abuureen beelaha daarood.sidoo kale waxaan halkan ka sii sheegayaa, anigoo ah Guddoomiyaha Beelaha Irir Samaale in aanu shirka kaga tashanayno Saamiga beesha Irir-samaale ee dawlad-deegaanka Itoobiya ee aanu degno, haddii alle ka dhigo.”Ayuu yidhi Guudoomiyaha beesha Irir Samaale Prof. Cabdiraxmaan Axmed Jaamac (Shunuuf),oo maanta Ugu Waramayey Warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland ee Magaalada Hargeysa.Waraysigaas oo muuqaal ah ayaanu mar-dhaw idinku soo gudbinaynaa Warbaahinta Radio BARAARUG Media ama shabakadan baraarugnews.net haddii alle ka dhigo kala soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here