“Eydda Hargeisa Og Sariibadii ka weydey lafahey dhuuxi jiren.Haddii la baadho 7 sanno””

0
121

Hargeysa,(Baraarugtv.com)-“Kadhadhka Muuse. Midba Marbu Fashilmaya. Kuwii ugu Dambeyey ayaa ku dhamanaya Bishan. Waxwalba u sameyonaya waa doorasho diid. Balse Dadka iyo siyaasiyiinta iska daaye. Waxa fahmey
Dhirta iyo ciida fahamtey.

Rafaddka Odeyga u dulqaata. Marba meel buu isku qaadaya. Hadana gorof madhan buu sitaa. Ilaahey amarkii. Shacabow inago isku duuban, dalkeena waxeynu ugu duceynayna isbedel khayr qaba.

Maanta kala dooranmeyno. Degaano iyo reero. Waa badbaaddo qaran. Madaxweyne 7 sano joogey.

Waxuu qaban wayay. Maaanta degmo iyo tuulo u qaban kara ma jirto. Intuu joogey dalka waxii dhibaato soo gaadhey. Weynu ku khasbanahey ineynu qaadano. Ka diba ka soo kabano dhinac walba. Dad iyo duunyo.

Waxaase qudha ee bulshadda waxgaradkeedu fahamsan yihiin iyo aqoonyahanka iyo dhalinyaradda jamacadduhu.

In aan madaxweyne Muuse mar labaad la soo celin. Isna waxey kaga dhegtey si walba uu sanduuqa uga meeraysan karo inuu ku dedaalo. Isagoo isleh hadba geed isku qari.

Taasna maanta Eydda Hargeisa og oo sariibadii ka weydey lafahey dhuuxi jireen. Dadkeena markaad hoos u wareysato. Si waddaniyad leh oo gobol walba iyo degmo walba ah.

Dhamaan dhaqalaheenii wuu wiiqmey. Waxana sabab u ah siyaasadd xumadda dowladda. Kuwa ag-jooga qeylinya.

Dowladdnimaddu waata dhista shacabka noloshooda, waxbarashadooda, dhaqaalahooda, caafimaadkooda, biyahoodda. Dadnimadda iyo Qiyamkooda.

Hogaamiyaha ruuxiga ahi. Shacabkiisu ka fekera kama fekero kursiga iyo nin jecleysi ama dano u gaara isaga

Hadaba dhamaanteen waxu rabaa inuu inagu mashquuliyo. Qabyaladd iyo reero. Nolosha dalkeenu ka weyn degmoyin, Reero la iska horkeeno bulshadeena oo la is nacsiiyo. Haweenkeena oo Social Media iska caaya.

Dadkeenu waa isku mid, ma jiraan. Reer, reer ka adag ama noloshooda wax ka bedeli kara. Waxeynu nahey dad isku mida isku nolola.

Xigto xidid iyo xigaala. Dal wadda leh. Cudur iyo caafimaad wadaaga. Abaar iyo doogba wadaaga.
La iskuma keen khuukhin karo. Waa been horena uma dhicin. Hadana dhici meyso.

Sidaas daradeed Siyaasadda Kulmiye fashilantey
Weynu aragney hogaanka dalka. Waxeynu ku dedaaleyna. Badbaadinta dalkeena inagoo isku duuban.

Muuse Gabiley waxba uma qaban. Hadii la baadho 7 sano waxu u qabtey. Walaahi kuma dhaco in si dhaba reer Gabiley ula xisaabtamaan.

Bulshadda Goboladda kale degtana waxu u dirayaa sawir ah. Gabiley baan idinka jeclahey waar waa beentii. Iyaganu wey ogyahiin. Hadaba dalkeena iyo dadkeena waxeynu la wadaagey. Xaqiiqdda

Maxaa madaxweyne dalka laga rabey
Maxuu Shacabka u qabtey
Maxaa la gudboona 7 sano
Halku dhigey heybadii qaranka
Caalamku sidu inoo arkaa maanta
Qaranimadeeni maxuu ku soo kordhiyey

Qodobo badan beynu is weydiin doona shacab ahaan, Aqoon yahan ahaan, Siyaasi ahaan. Maxaa inoo qabsoomey. Ileen muuse waa shaqsi inaga mida. Eynu dalkii u dhiibney inuu madaxweyne inoo noqday 7 sano la soo dhaafey.

Iskama naci karno shaqsiyaddiisa. Waxeynuse diidney hogaamintiisa iyo khaladaadkiisa hogaamineed.

Taasna waxa lagu kala baxaya isla xisaabtan ku dhisan tiiirarka dowladdnimadda ee hogaamiyaha lagu qiimeeyo. Balse uma baahnin Tola’ey yaa reer hebela. Film kaas weynu soo dawaney.

Madaxweyne muusow. Cajaladda shacabka mar danbe kama iibsameysameyso. Waxa nool dhalinyaro iyo aqoonyahan waxbartey. Raba isla xisaabtan.

Maxaa dalka ka qabatey intaad joogtey. Kaambeynkaagu noqon maayo qabiil iyo kala qeybin bulsho. Waxa laga rabaa 7 sano dalka hogaamineysey. Maxaad qiraal ka tahey inaad ku fashilantey.Doodeenu waa taas
muwaadin ahaan.
Shacab ahaan,

Jibo iyo caadifadd uma baahnin.
Somaliland Guul. Happy 18 May

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

Emial÷baraarugnews@gmail.com