Diin ma leh qofka aan balan iyo amaano lahayni.

0
699

W/Q Farhan Haybe Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

Dorraad maalin ayay ahayd xasuusteeda leh oo doorasho iyo soo saaris xildhibaano lagu jiray, shalayna maalintii codaynta shir gudoonka oo iyana dharaar kale ah oo suntan.
Run ahaan, waxaa wax Ilaahay laga magan gallo ah, u dhaqanka sida xildhibaanada qaar ku sifoobeen ee ah; inuu qofku balan aanu fulinayn intuu qaado, ugu danbayna ka baxo waxii lagu balamay. Runtii waxaan ku sheego garan maayo laakiin, Sidii uu nebigeenu sheegay CSW; Diin ma leh qofka aan balan iyo amaano lahayni. Qofku isagoo xor ah inuu qaado oo gunto balan uu sii ogyahay inaanu fulinayn, waxa uga fiican oo uga sharaf badnaan lahayd inuu badheedhiisa dhiibto. Waxase Ilaahay loogu mahadiyaa in shalayto waxay lahaydba socotay, berritana ay maalin kale tahay, ayaamuhuna tirsan yihiin oo isdaba socdaan Insha Allah. Tu’san

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here