Dhamaadka Hawlgalka ciiddamada Turkiga Ee Muqdisho &Baarlamaanka Turkiga Oo Mooshin u Qaaday Sii Joogi-taanka Ciidankooda Badda Iyo Xeebaha Soomaaliya

0
470

Ankara,(Baraarugnews.net)-Baarlamaanka dalka Turkiga, ayaa maanta meel mariyay mooshin ogolaanaya in ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya loo kordhiyo joogitaankooda ilaa 10-ka Feberaayo 2023.

Ansixintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ciidamada Turkiga uu tababaray lagu dhaliilay in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo uu arrimo siyaasadeed u adeegsaday ciidanka Dawladda Turkigu u tababartay Soomaaliya

Waa markii 14-aad ee magaalada Ankara dalka Turkiga ay kordhiso joogitaanka guud ahaan ciidamadeeda gacanka cadmeed tan iyo markii ugu horaysay uu ansixiyay baarlamaanka dalkaasi sannadkii 2008-dii.
Madaxtooyada Turkiga,ayaa ka codsatay barlamaanka dalkaas muddo kordhinta Ciidamada Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed ee badda iyo xeebaha Soomaaliya.
Hawlgalka ciiddamada Turkiga ayaa ku ekaa ilaa Febraayo 10, 2022.
DalkaTurkiga ayaa ka mid ah dalalka ciiddamo ka joogaan Gacanka Cadmeed, oo u  dhow marin biyoodka Bab el-Mandeb, oo ah meesha afraad ee adduunka ugu wayn ee marinka saliidda, waa marin tamar  istiraatiiji ah oo loo maro saliidda caydhin ee Bariga Dhexe.

Office Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here