Dawladda Somaliland:-Sharciga uu Ansixiyey Aqalka Kongareeska Maraykanku Muxuu yahay?

0
296
Sharciga uu Ansixiyey Aqalka Kongareeska Maraykanku Muxuu yahay?
Sharciga uu Ansixiyey Aqalka Kongareeska Maraykanku Muxuu yahay?

Maraykanka,(Baraarugnews.net)-Dawladda Somaliland oo ka dareen celisay marshuuc sharciyeed oo ansixiyeen xildhibaanada aqalka kongarayeeska dalka maraykanka.Isla markaana Xeerkan oo ah Qorshaha Difaaca ee Mareyknaka uu ku howlgalayo sanadka 2023-ka ayaa horseedaaya inuu iskaashi dhinacyo badan leh dhex maro dowladdaha Mareykanka iyo Somaliland.Sharciga uu Ansixiyey Aqalka Kongareeska Maraykanku Muxuu yahay?


Tallaabadan ayaa muujinaysa in Baarlamaanka Mareykanka uu aqoonsaday istiraatiijiyadda ay leedahay Somaliland.
Sharciga uu Ansixiyey Aqalka Kongareeska Maraykanku Muxuu yahay?
27-kii bishii May ee sanadkan ayuu hindise sharciyeedkan mooshinkiisa Aqalka Hor geeyay xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka, oo lagu magacaabo Adam Smith, kaasoo laga soo doortay degmo ka tirsan Washington.
Mr Adam oo Golaha xubin ka ahaa tan iyo sanadkii 1997-kii, ayaa codsaday in la meel mariyo xeerkan oo dhigaya in loo kuur galo sidii Somaliland loola kaashan lahaa howlo badan oo uu Mareykanku ka fuliyo Afrika iyo meelo kale.
Hannaan muddo socday kaddib, 14-kii bishan July ayaa hindise sharciyeedka lagu meel mariyay Golaha Wakiillada oo ay shir guddoomiso Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi
Tallaabada xigta ee hadda lagu howlan yahay ayaa ah in karaaniga uu saxo qodobaynta xeerka, hab qoraalkiisa iyo arrimaha kale ee farsamo ee ee muhiimka ah.
Guddiga Adeegyada hubaysan ee Congress-ka Mareyakanka, oo magaciisa loo soo gaabiyo “HASC” ayaa hagayay xeerkan iyo marxaladaha uu soo maray.
Waxa ay guddigu sidoo kale Waaxda Gaashaandhigga ee Mareykanka ka codsadeen in ay talooyin ka bixiso sidii loo ballaarin lahaa wadashaqaynta amni ee Somaliland iyo sida ay suuragal u tahay inay Mareykanka ka caawiso ujeeddooyinkiisa militeri ee Geeska Afrika iyo gobolka ku teedsan Badda Cas.
Mareykanka ayaa talis militeri oo baaxad wayn ku leh Afrika, howlaha ugu waawayn ee ay fuliyaanna waxaa ka mid ah la dagaallanka Argagixisada.
Geesta kale, Dawladda Somaliland, ayaa soo dhaweysay xeerka sharci ee ansixiyeen aqalka kongareeska Maraykanka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, ayaa soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayay ku sheegtay inay si wayn ugu riyaaqsan tahay hindise sharciyeedkaas lagu meel mariyay aqalka Koongareeska Maraykanka.
“Jamhuuriyadda Somaliland waxay u riyaaqday tallaabada uu Golaha Wakiillada Mareykanka ku ansixiyay sharci looga codsanayo wasaaradda arrimaha dibadda in ay daraasayn ku samayso xogna kasoo gudbiso arrimaha la xiriira dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amniga ee ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Somaliland,” ayaa lagu yidhi bayaanka boga Tiwiitarka Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here