Dawladda Itoobiya Oo Dalkeeda Ka Celisay Madaxweynaha Soomaaliya &Maxaa Sababay Khilaafka Ka Dhex-qarxay Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Raysal,wasaareha Abiy Axmed?

0
328
Dawladda Itoobiya Oo Dalkeeda Ka Celisay Safar Uu Ku Imanayey Madaxweynaha Soomaaliya &Maxaa Sababay Khilaafka Ka Dhex-qarxay Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Raysal,wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed?
Dawladda Itoobiya Oo Dalkeeda Ka Celisay Safar Uu Ku Imanayey Madaxweynaha Soomaaliya &Maxaa Sababay Khilaafka Ka Dhex-qarxay Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Raysal,wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed?

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Dawladda Itoobiya,ayaa dalkeeda ka joojisay safar uu ku imanayey Madaxweyanaha dawladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheesh Maxamuud,isla markaana Raysal,wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed,ayaa ku gacan saydhay socdaaka uu doonayey innuu ku yimaado madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud caasimada dalka Itoobiya ee magaalada Adis’ababa.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,uu khadka dhanka Telifoonka ah oo uu la soo sameeyay Raysal,wasaaraha Itoobiya Axmed Abiy u sheegay innuu ku soo jeedo dalkiisa Itoobiya ee magaalada Adis’ababa. Balse waxa la sheegay in Raysal,wasaaraha Itoobiya Abiy ugu jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud innuu wakhti u hayn oo qorshaha shaqada dawladda Itoobiya ku jirin kulanka uu doonayey Xasan Sheekh la kulmo Raysal,wasaaraha Itoobiya. Waxa kale oo la sheegay in Abiy Axmed, ku yidhi Madaxweynaha Soomaaliya in dawladda Itoobiya mashquul ku jirto oo arrimo dalkiisa ah ku mashquulsan yahay, madaama aan ku mashquulsanahay danaha dalkayga Itoobiya kuuma hayo jaanis, oo ma iman karti dalka Itoobiya,ayuu ku yidhi Raysal,wasaaraha Itoobiya Madaxweynaha Soomaaliya.
Maxaa Keenay Khilaafka ka dhex-qarxay Dawladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya?
Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa safaro ku tegay dalalka Imaaradka Carabta,Turkiga,Eritrea iyo Jabuuti,isagoo qorshaha socdaalka safarkiisa ku soo gebo-gebeeyo Itoobiya ayuu doonayey Xasan Sheekh, laakiin waxa joojiyey oo ka celiyey Madaxweynaha Soomaaliya innuu tago dalka Itoobiya Raysal,wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Raysal,wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa sabab u ah isku dhaca dawladda Itoobiya iyo Soomaaliya, markii Dawladda Itoobiya ka war heshay in Dawladdaha Soomaaliya iyo Masar uu xidhiidh dhex-maray, isla markaana saraakiil sirdoonka dalka Masar yimaadeen magaalada Muqdisho, si ofishil ah, gacansaar iyo ilaqaad wada-yeesheen Madaxweynayeyaasha Masar iyo soomaaliya Cabdel Fataax Al-Sisi,iyo Xasan sheikh maxamuud.ka dib markii ay dhamaatey doorashadii uu ku soo baxay Madaxweynaha soomaaliya,waxa tegay oo hawl-gal xafiis cusub iyo wada-shaqayn heshiis wadda galay bangiga dawlada Masar iyo dawladda Xasan Sheekh maxamuud ee soomaaliya oo ogolaadey Bangiga Masar in ka hawl-galaan magaalada Muqdisho.
Ururkii ONLF oo xubno garab mucaarid ah ku ah dawladda Itoobiya ayuu ogolaadey Madaxweynaha soomaaliyaXasan Sheekh in xafiis ay ka hawl-galaan ka furtaan magaalada Muqdisho,iyadoo doorashadii ka dib Xasan sheikh xidhiidh dhex-maray madaxii ugu saraysay ee hogaanka ururkii ONLF heshiis dhex-maray,si dib u habayn iyo abaabul cusub loo hawl-galin lahaa jabhadii hubaysnayd ee ONLF.Sir-doonka Raysal,wasaaraha Dawladda Itoobiya,oo xogtaas heshay ayaa keentay khilaafka ka dhex-qarxay Raysal,wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha soomaaliya.
Emial:-Xafiiska Guud ee Warbaahinta Baraarugnews.net Emial:-baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here