Daadihinta Dagaalada Sokeeye… Belo Saacadeed Joogta.Waa….”

0
218
Hargeysa,(Baraarugnews.net,”Ku dhawaad ​​​​dagaal kasta oo billowday 50-kii sanno ee la soo dhaafay wuxuu ahaa mid ka dhashay been-abuurka warbaahinta.daadihinta Dagaalada sokeeye;
Nabad kasta iyo horumar kasta runta dhasha;
Xaalada lagu jira waa xaalad u baahan oo kaliya aragti dheeri iyo waliba fogaan arag iyo cabqarinimo; waa xaalad loo baahanyahay in hoggaamiyayaasha dhaqanka siyaasadda iyo ganacsiga ee shacabku rejada ka sugaayo in ay arki karaan, maarayn karan surinkii bulshadoodu u mari lahayd horumarka, oo dabino siyaasadeed iyo boholo hadimo xidheen; waa in ay ka furfuri karaan. Waa in hoggaamiyaashu akhriyi karan tagtada, timaadada iyo taaganta iyo in ay odorasi karaan ta soo socta. Waa in lagu go’aan qaato maansadii Hadrawi Ahun, ee meerisyadeeda ay ka mid ahaayeen:
“Belo saacadeed joogta
Sabti nabada ha u riixin..”
Su’aasha muuqata, waxa ay tahay majiraan sida kuwani ay kor u qaadeen, wadajirka Umada JSL uguna dhiiradeen runta ugana hortageen dhacdo kasta oo halis galinkarta Xasiloonida iyo Nidaamkii dimuqraadiyada horseedina karta dagaal sokeeye oo aan jid lahayn iyo qiima dhac ku yimaada hankii Umada ), haldoor kaloo laxoojiya)
Waa sabankii gobanimada iyo gunimada lakala mutaysan jiray; waa xiliyada raga lakala garto.
Waa halkii abwaan Xaaji Gabay-xadi ka laha:
Ahun, ee meerisyadeeda ay ka mid ahaayeen:
“Laxaad waa badhaadhee hadduu ii bogsado xooggu;
oo biixiyaha Eebbahay kay isugu beego;
Abaal badha, abaal bura, abaal bur iyo dheeraad Ah;
Ninba kiisa kaan ugu bedeli beerka ka ogsooni!”

Waxa qoray

Abdikani Nour Hirsi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here