Ciidanka Bileyska yaan siyaasad loo adeegsan !

0
301

Ciidanka Bileyska yaan siyaasad loo adeegsan !
W/Q Xoghayaha arrimaha bulshada Waddani Maxamed S Dhamme

Xildhibaanadu in ay sida shacabka cawdaan maaha, waxa aanu u doorannay ee Dastuurku u siiyay dhawrsananaanta waa in ay cod shacab ku joogaan, qodobka 49 aad ee Dastuurka ayaa si cad u sheegaya dhawrsananaanta xubinta golaha wakiillada Somaliland. waa gef sharci in Boolisku ula dhaqmaan sidaa karaamada darrada ah Xildhibaanada iyo muwaadiniinta aan waxba galabsan.

Mudanayaal waxaad tihiin haayad sharce dejineed waa in aad la Xisaabtantaan hoggaanka Bilayska oo golaha looga yeedhaa waxna laga weydiiyaa foolxumada xalay Hayat Hotel ka dhacday, idinka oo adeegsanaaya qodobka 53 aad ee Dastuurka oo awood iyo waajibaad idiin siiyay in aad la xisaabtantaan oo wax layska weydiiyo kelitalisnimada soo noqnoqtay ee lagu cabudhinaayo shacabka.

Ciidanka Boolisku waa haayad nabad gelyo waxay dhex u yihiin dhammaan asxaabta qaranka, si aanay u lumin kalsoonida bulshada yaan si gaara loo adeegsan, waxa ay karaamo leeyihiin inta ay dhawrayaan shuruucda iyo dastuurka haddi ay dhawri waayaan ahaan maayaan Boolis haybad leh waxbana kama duwaanan doonaan suuq joog.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here