Cabdillaahi Cukuse, ayaa maanta Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani miyuu Galay/Sawirka maanta shabakada Baraarug.net

0
654
Sawiroa manta ee shabakada Baraarug.net\
Sawirka maanta ee shabakada Baraarug.net

Cabdillaahi Cukuse, ayaa maanta iska Xaadiriyey Xarunta Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Markii Hore Indhaheygu Qabtaan Astaanta Ama Dhagaheygu Maqlaan Magaca Xisbiga Waddani Waxaan Noqon Jiray……

Hargeysa,(Baraarugnews.net)-

Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa xukuumaddii  is badelay ee xisbiga Kulmiye xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo soo qabtay jagooyinka Afhayeenkii, iyo wasiirkii warfaafinta dawladdii uu gadh-wadeenka ka ahaa xisbiga Kulmiye ee Axmed Siilaanyo. Madaxweyne Muuse Biixi cabdi, oo  jagada Madaxweynimada iyo talada hogaanka xisbiga Kulmiye kala wareegay  Axmed Siilaanyo, ayaa Cabdillaahi Cukuse xilligii ay soo dhaweyd doorashadii Golayeyaasha Degaanka iyo wakiilada Somaliland Madaxweyne Muuse u magacaabey Cabdillaahi Cukuse La-taliyaha Madaxweyne Muuse Biixi ee arrimaha doorashooyinkii.Balse markii xisbiga Kulmiye laga saarey siyaasiyiin uu ka mid yahay Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wiilka qabey inantii Axmed Siilaanyo Baashe Cawil, ayuu iska casilay xilkii  la taliyaha arrimaha doorashooyinka Muuse Biixi. Inkastoo Cabdillaahi Cukuse u muuqday mid isaga iyo Muuse Biixi xisbigiisa Kulmiye u kala dhamaatey maalin-ba meel wakhtiga iyo duruufta siyaasadu ku tuurta ruuxii garoonka siyaasada. Ku dheeran maayee Cabdiilaahi Cukuse oo Oday ruug cadaa wayeel Suxufi ah, una sii digo rogtay ka mid ahaan shaha siyaasada asxaabta xisbiyada Somaliland maayo waxaad moodaa in xisaabta u soo baxday ay tahay wakhtigan gaadhiga uu shukaanta hayo ee darawalka ka yahay Cabdiraxmaan Cirro dabayshu manta u dhacayso in kursiga Madaxweynimada Somaliland. Inkastoo maalin-ba ay tahay waji ka duwan kii hore wajiga siyaasadu mid kuwacan ama ku fool-xun uu yahay, laakiin Cukuse-ba wakaas maanta astaan iyo magac uu aad uga xanaaqi jiray danta siyaasadu keentay. u-jeedadaydu maaha in aan wax ka qoro Cabdillaahi Cukuse ee maanta mar aanu ku kulanay  suxufi, ahna siyaasi Cukuse xarunta xisbiga Waddani Ayaan siwirkan ka qaaday, oo aan jeclaystay in aan idin-la wadaago. Manta ku hay in Siyaasadu waa wax aad u xun shan daqiiqo ayey isku badeshaa. Waligaa meel ha isa-siin.

Emial:-caarshe7@hotmai.com or baraarugnews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here