Bilan Cismaan Oo Nin Yuhuudi Ah shir-qool Dabin ah Ku Bireeyayol DabinKu Bir

0
77

Sweden,(Baraarugtv.com)-“Bilan Osman oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay dalka Sweden, una ololaysola ka hortagga midab takoorka,ayaa ku dhacday dabin loo maleegay.

markaana Gabadhan oo dhanka kale ahna wariye ayaa u ololaysa ka hortagga midab takoorka iyo islaam nacaybka.Balse waxaa loo soo diray nin caddaan ah oo la sheegay inuu asal ahaan yahey Yuhuud.Ninka oo lagu magacaabo Christian Peterson ayaa ah nin cunsuri ah oo islaamka aad u neceb, waana dadka ka tirsan Far Rights, ama Midigta fog.

Muddo laba sano ah ayuu la sameeyay xiriir jacayl, asagoo u sheegay inuu darteed u qaatay diinta Islaamka, intii ay xiriirka lahaayeen ayay u dhashay wiil.

Ninkii ayaa hadda u sheegay Bilan inuu soo bandhigayo waxay Islaamku yihiin iyo ceebeheeda, wuxuuna sheegay inuusan diintiisa ka bixin balse uu ayada ugu tala galay inay dabinkaas ku dhacdo.

Bilan Osman oo 1992 ku dhalatay Sweden ayaa lagu faafiyey maanta, aadna ugu  hadal hayaan,bulshada isticmaasha baraha bulshada ee Tweterka, ayadoo ninka ay xiriirka la lahayd uu ka sameeyay qoraallo badan, wuxuu sheegay inuu Jimcaha soo fariisanayo TV-ga si uu u bixiyo waraysi ku saabsan sida islaamku yahay oo uu ula jeedo siday Bilan Osman u wada noolaayeen guur la’aan ayna awlaad ugu dhashay.