Beesha Habar-Jeclo imisa jeer ayey  ergo qabasho ugu tageen beesha Garxajis?

0
186

Beesha Habar-Jeclo imisa jeer ayey  ergo qabasho ugu tageen beesha Garxajis?

Madax-dhaqmeedka Beesha Garxajis waxa la gudboon inay dhageysan qolyaha qaadka habar-awal siiso ee warbaahinta ka hadasha ma metesho habarjeclo ee qaata doorkiina dhexdhexaadinta.”

Burco,(Baraarugtv.com)-“1996 markii dagaaladii sokeeye hawd u gudbeen ee Itoobiyaanku yidhaahdeen Gaashaamo isugu kaalaya dalka anagaa lehe, ee odayaashii labada reer godka lagu guray, HJ waa tii gogoshii nabada ee Baalidhaye dhigtay, kii Duruqsina ku xigay ilaa kii Beer ee Garxajis iyo Somaliland ta kale lagu heshiisiiyay. HJ ayaa hormuud ka ahayd in Somaliland iyo Garxajis heshiiyaan.

2. 2006 kii markii dhibaatadu dhex martay Garxajis (Ciidagale iyo Habar Yoonis ) ee la yidhi yaad u qabsoontaan? Labaduba waxay yidhaahdeen. Habar Jeclo. Ahn Hadraawi iyo Siilaanyo iyo Kaahinba goob joog ayey ahaayeen meeshuna kililka ayey ahayd.

3. 2023ka ee maanta lagu kala badbaadiyey beesha habar,awal iyo garxajis ee Sheekadii dhowayd ee buurtana, Habar jecla gashay oo Garxajis buurta ugu tagtay oo dilkii askarta iyo tii baabuurtaba iyadu ku xukuntay kana soo dejisay.

Usbuucana Garxajis shirkii HJ qaybtii nabada ayey taageereen oo Dhulbahantena ugu baaqeen in ay aqbalaan nabadaas, Dhulbahantena waa ka soo jawaabay oo wuu aqbalay nabadaas, markaa miyayna ahayn in HJ , maanta u qabsoonto Garxajis oo ay aqbalaan haddii Garxajis gogol nabadeed dhigaan oo iyaga iyo walaalahood Dhulbahante heshiisiiyaan, deegaankuna nabad iyo wada noolaansho ku soo noqdo, ileen midna lagama adkaan karee.

Inta aan ogahay sheeko siyaasada iyaga oo ilaa 1960 kii Garxajis iyo Habar Jeclo meel kala fog taagnaayeen, haddana mar na siyaasad Garxajisku kumay xidhin in arin nabad iyo walaalnimo ah lagu sidko siyaasad ee sida ay tahaybay u qaadanayeen hal mar mooye,maantana reerka looga baahan yahay in ay nabadaas walaaladood wadaan siday u tahay u qaataan waa Habar Jeclo. Nin ku leh walaalow noolow, deriskaaguna ha noolaado, waa nin meel fog kaaga damqanaya.

Ilbaxbimadu waxay ku jirta nabad, waxayna ku hanaqaada nabad, wax wal oo nolosha qurxiyaana waa nabad.

Garxajis gogosha nabada ha dhigo.

Dhamaanteen wallaalaynu nahay, mar walbana dhib way jiraysaa, saa carab iyo labadiisa daan ayaaba is qaniinee, dhibtu waa sunaha nolosha.