Alle Ha u naxariistee DARDAARAN oo uu abwaan Hadraawi kaga sii hadlay geeridiisa,

0
262

Hargeysa,(baraarugnews.net)’-Taariikh nololeedkii Alle ha u naxariiste Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (HADRAAWI) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18.8.2022 ku geeriyooday Magaalada Hargeisa. Marxuumku wuxuu ahaa shaqsi Eebbe ku mannaystay aragti dheer, hal-abuur, macallin, mufakar, aftahan, dhiirrani, dadnimo, dulqaad iyo dun xariir ah oo aan mar qudha laga xiiso goyn la-jooggiisa iyo dhegaysiga murtidiisa miidda ah oo ah dhaxalka ugu weyn ee uu uga tegay ummadda afka Soomaaliga ku hadla.
Maansada DARDAARAN oo uu abwaan Hadraawi kaga sii hadlay geeridiisa, waxa uu ku yidhi; Cishaday dellegan tahay,
Dalandool u tahay iil,
Godka loogu daadego,
Naftu way dayacan tahay;
Dulucdani nin nooloow,
Anna tayda doqonta ah,
Waa dardaarankeedii;

Qabrigaygu deyr ma leh,
Derbi iyo astaan ma leh,
Dugsashiyo ag-joog ma leh,
Dunbukh iyo salaan ma leh,
Damdam iyo aloos ma leh,
Iyo darammal luuq dheer,
Dab la rido ka waaweyn;
Ilmo layla daba galo,
Naxashkayga lagu dedo,
Duxi iima saarnee,
Yaan layga sii darin!
Yaan la ii dabbaal-degin! Kol hadday dac-wadhan tahay,
Dembigeeda keydka ah,
Dibnaheedu qirayaan,
Lafahayga duugga ah,
Yaan dushooda lagu shirin,
Billad dahab ah lagu tolin,
Iyo taallo damac badan.
Qofka ii duceeyoow,
Rabbigay ku darajee,
Qofka iga ducaystoow,
Dummaddaada weeyaan. Marxuumka ILAAHAY ha u naxariisto,Qoyskii, Ehelkii, Qaraarabadii, Bahda Suugaanta, iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iimaan ha ka siiyo.
Aamiin……Aamiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here