Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Maaliyada Gurxan Oo Ka Hadlay Guul Weyn Oo Gaadhay Somaliland

0
286
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Oo Tababar Mihiim Ah Ugu Soo Xidhay Agaasimayaasha Maamulka lacagta, Dakhliga Iyo Xisaabiyayaasha ee dawladaha Hoose.
Hargeysa,(Baraarugnews.net)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md Maxamed Cabdi Gurxan ayaa maanta Hotelka Casood ee magaaladda Hargeisa tababar mihiim ah ugu soo xidhay Agaasimayaasha Maamulka lacagta, Xisaabiyayaasha iyo Agaasimayaasha dakhliga ee dawladaha hoose ee degmooyinka Hargeisa, Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Laascaanood iyo Gabilay.
Tababarka la siiyey madaxda dawladaha hoose ee degmooyinkaasi ayaa lagu tababaray Nidaamka Maaraynta Xogta Maaliyadeed ee dawladda Somaliland ee (SLFMIS) iyo Is-waafajinta Sumadaha Caalamiga ah ee xisaabadka ( Standard Chart of Accounts) ee dawladaha hoose ee degmooyinka Hargeisa, Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Laascaanood iyo Gabilay.
Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here