Adeegsiga hab casriya oo lagu samaynayo qasnada lacagta

0
212

Hargeisa 17 October, 2022 {WHM} – Masuuliyiinta Wasaaradda H. Maaliyadda iyo Bangiga-Dhexe ee Somaliland ayaa si wada jir ah tabobar 3 cisho ah u furay saraakiil is ku dhaf ah oo ka kala tirsan Maaliyadda iyo Bangiga-Dhexe kuwaas oo si wada jir ah uga wada shaqeeya barnaamij casriyeyn iyo wax-ka-badel lagu samaynayo hanaanka ay hada u taalo qasnada lacagta ee xisaabaha Hay’adda Dawladdu. Taas oo lagu doonayo in la mideeyo xisaabaha uga f

uran Hay’addaha Dawladda Bangiga-dhexe.
Mashruucan oo in mudo ah soo socday haatanse maraya marxaladdii u danbaysay waxa si wada jir ah u soo waday Wasaaradda H. Maaliyadda iyo Bangiga-Dhexe, hal-abuur kiisana Maaliyaddu lahayd isla jeerkaasna qayb ka ah barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda waxa ay ujeedadiisu daarantahay hirgalinta hanaan-xisaabeed midaysan. Helitaanka adeegsiga hanaanka midaysan ee xisaabaadka Hay’addaha Dawladda oo magiciisa loo soo gaabiyo TSA {Single Treasury Account} waxa uu sare u qaadi doonaa wax-ku-oolnimada lacagta Dalka, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here