Abwaan Hurre Oo Geeryooday &

0
79

(Baraarugtv.com)-Alle ha u naxariisto Abwaan Hurre walanwal oo geeryooday.naalilaahi wainaailayhi raajucuun.
Waxa maanta oo jimce ah 15.Dec.2023 geerida
Abwaan cismaan ibrahim warsame( hure walanwal).
Abwaan hure waa xidigii iyo ciriyihii silsiladii geelu xoolo kuma jiro ee dhexmartay isaga iyo cambaro nuux maxamed badhtamihii lixdamaadkii.

Abwaanka waxan ka bartay wariye xasan maxamed yusuf oo barnaamijkii xulashada Radio hargeysa ku baahiyey silsiladaa oo uu dadka baray qoraa yusuf ciman cabdulle(shaacir).
Sep.2006 dii waxa ii suurta gashay inaan dadka soomaalida horkeeno muuqaalka hure iyo cambaro dambi iga raaci maayo haddii aan idhaa waxan noqday qofkii koowaad ee heeladaasi oo muuqaalo ah usoo baahiya guud ahaan umadda ku hadasha afsomaliga iyada oo noqotay xusuustayda taariikhdii ugu caan sanayd ee aan duubo soddomeeyo sanadood oo aan ku jiray warbaahinta.
Hurre walanwal waxa uu ku dhashay hawdka burco waana ninka la dhashay allaha u naxariistee maxamed ibrahim walanwal (hadrawi)
Taariikhda geelu xoolo kuma jiro waxa uu si farshaxan iyo aqooni ku jirto isaga dhigayaa
Nin riyooley ah oo kasoo jeeda guban iyo buuraha calmadow mase ahayn, halka cambaro nuux ay tahay xidigta aqoonta badan ee ku dhaadanaysa nolosha hawdka iyo dhaqashada geela.
Cambaro waxan muuqaalka kaga soo duubay miyiga degaanka widhwidh iyadoo uu muuqaal duube ii yahay camera man axmed jamac farax halka hure aan kaga duubay magaalada burco anigoo maalintaa wariye iyo filim qaade kaliday isu ahaa.
Allaha u naxariisto hure walanwal qoyskiisii caruurtiisii iyo guud ahaan heelo maalka soomaalida sabir jamiil.
Waxan baahin doonaa wixii barnaamijyo ah anigoo ilaa maanta aad ugu mahad celinaya shirkada Telesom oo waagaasi maalgalisay barnaamijkaa taariikhiga ah oo haddii marar kale ay talaabadaasi qaadaan lagu helayo soomarto iyo raad raac kutubta gala.