Tacabkii somaliland taabka aad gelisay… Timir Agoon Ay Lahayd Tuuga Ku Idlaysay

0
137

Hargeysa,(baraarugtv.com)-“GABAY KU SOCDA KULMIYE.

Taariikh lasoo maray dibbaa loo temediyaaye

Saakana warkaan tebinayaa taxane weeyaane

Tunka naaxyadii baa na helay taariga ahaa

Hadaad ciidankii teedsanaa toban kasoo reebtay

Ama qaar awood lagula tegey tabarba loo waayayAma aan halkii ay tageen cidi tilmaamaynin
______________________
Ama toobad seegyohow waxbadan tarantii aad laysay

Ama aad tolkii kala dishoo toogta ay badatay

Ama lacagtii aad tuuratoo taajir aad noqotay
________________
Ama tacabkii soomaaliland taabka aad gelisay,

Ama timir agoon ay lahayd tuuga ku idlaysay

Ama tulud lawada maali jiray teendhadaw xidhatay
_______________
Ama talo rag uu Kula lahaa taada ku cayuuqday

Misna aad lasoo taagan tahay Keli i taageera

Taahaa baxaayiyo tudhey tawstu waa adiye,
__________________
Magacaaga oo Naga tirmaan taala korilayne

Tafaraaruqii dhacay ayaan tiicayaa weliye

Tiiraanyadaa shacabku qabo waa mid kugu taale
_____________________
Kulmiyoow inaad Naga tagtaan taar ku dirayaaye

Tagtadiyo tamiidadu haday wada tasoobayso

Tartankii lasoo maray hadaad noo tixgelin wayday
_____________________
Ragii kuu tanaasulay hadaad tuhun ku laynayso

Oo tawxiidka calankii lahaa aad ku tumanayso

Anigaa talaabada qaldaye tiir ma jebiseene
________________
Tigaad laacday adigaa ka dhigay toore iyo boodhe

Temeshliyo cayaar laguma helin taashka kuu xidhane

Tabtii ini siyaad oo kalaan tooshka ku hayaa

Sidii maxamed waw tuurayaa oo tolaahiya
_____________________
Waxa tirisay ABWAANAD KOBRA XAAJI XASAN
12/4/2024