“7 Sano Ayaanu Laheyn,Waar Cayda Reeraha ka Daaya.Qolada Waddani…”

0
70

Hargeysa,(baraarugtv.com,)-“Qolyaha Wadani ka ciideeya ee aanay ” Buus” iska odhan. 7 sano ku dhawaad ayaanu lahayn “waar cayda reeraha ka daaya”; oo madaxda WADANI ay u dhoola cadaynayeen, markii ay xawlal mariidkii timid bay isaga daba mareen ” Qofka caytamaa qoladayada maaha”. Waa haddii tawbada layska aqbalo.Maanta ayay haddana u guureen in ay olole ka dhigtaan ciidanka qaranka oo aanay ” war ka daaya” lahayn oo ay u dhoola cadaynayaan.

Talo wasiir siiyay ayay ka wada jawaabayaan oo ay iska diidayaan, hadda waa ” War hooy hogaa ka baydha”.Ugu danbayn waxaan lee yahay, yeynaan arkin idinkoo sidoo kale ka qoomamaynaaya. War ciidanku siyaasad ma galo.”ayuu yidhi Agaasimaha tviga xukuumadda somaliland Mustafe.