“Runtii Dekedda Berbera Waxay Noqon Doontaa Mustaq-balka Tuun-bo Waraabisa Geeska Afrika.Umaddah…”

0
254

Berbera,(Baraarugtv com)-Mareeyaha Dekedaha iyo badda Dalka Somaliland Eng.Siciid Xassan Cabdillaahi,ayaa maanta safiirka dawladda Dalka Kiiniya iyo Ambaasadoor goobaha shaqooyinka kala duwan Ka socdaan ee Dekedda Magaalada Berbera ku qaabiley.Isla markaana Safiirka dalka Kiiniya ayaa indhihiisa ku arkay hawlaha ka socda dekedda Berbera,iyadoo ay soo jiidatey habka dibu-habaynta iyo casareynta lagu sameeyay Dekeda Berbera.

“Waxaan Dekedda Berbera ku qaabilay Safiirka Kiiniya u fadhiya Somaliland, Amb Cabdiwali M. Xuseen iyo Amb Maxamed Cabdi Affey oo nagu soo booqday maanta Dekedda magaalada Berbera.Runtii dekedda Berbera waxay noqon doontaa mustaq-balka Tuun-bo waraabisa geeska afrika oo dhan.umaddaha duniduna waxay noqon doontaa goob ay baratan u soo galaan.haddii alle ka dhigo.marinka dunida ugu istaraajisan bad iyo hawada diyaaraduhu maraan ee qaarada afrika halkii ugu wanaagsanayd ayuu illahey ku abuuray shacabka reer somaliland.”ayuu yidhi Mareeyaha guud ee dekeddaha iyo xeebaha biyaha badda cas ee  dawladda Somaliland Eng.Siciid Xassan Cabdillaahi.

Geesta kale,safiirka dawladda Kiiniya,ayaa sheegay in dawladda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay maanta ka dhigtay dekedda Berbera mid la jaan qaadi karta dekeddaha caalamka.Balse safiirka dawladda Kiiniya,ayaa xusay in mareeyaha Dekeddaha dawladda Somaliland Siciid Xassan Cabdillaahi iyo tiibkiisa la shaqeeya ay horumar balaadhan oo halkan lagu soo koobi karin ka qabteen Meel kasta oo ka mid ah marsada dekedda magaalada Berbera.

Office Emial÷ baraarugnews@gmail.com or caarshe7@hotmail.com