Dawladdaha Soomaaliya Iyo Somaliland Yaa Sababey In Lagu Kala Adkaado Heshiiska Biyaha Badda Cas Ee Itoobiya?

0
335

Itoobiya(BaraarugTV.com)-Tan iyo intii uu xilka hayey kursiga jagadda Madaxweynimadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa hogaamintiisa dawladnimada Somaliland cagaha galisay bad weyn siyaasadeed oo ku jiidhaysa,ama ku qaadeysa,sidda mawjada biyaha bad-weynta oo kale.

Bilowga sannadkii tegay ee 2023kii waxa ku bilowday xukuumadda Muuse Biixi gacan ka hadal dagaal qadhaadh oo soo abaabuleen dad la noolaa ama u jiifay muddo dhweer xanuun,kooxdaas oo isugu jiray koox ka tirsanayd hadhaagii dawladdii kaliye taliyihii Siyaad Barre iyo guruub kale oo cudur ka qaadey horumarka weyn ee ku talaabsadeen shacabka somaliland ee dawladnimada,maamul wanaag,kobaca dhaqaalaha iyo dimuqoraadiyadA ay ku dhaaftey waddamo badan oo afrika iyo caalabkaba ah.

Dagaalka Biyaha Badda Cas ee Dawladdaha Jabuuti,Somaliland iyo Soomaaliya,.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa hore uga sii gaashantey hirdanka Biyaha badda Cas,kaasoo u magacaabey Mareeye aqoon qoto dheer u leh maamulka dekeddaha iyo isticmaalka xidhiidhka  biyaha habka maraakiibta isticmaalaha biyaha badda cas ee somaliland mara.Balse Madaxweyne Muuse ayaa lagu tilmaamaa in waxyaabaha sababey in uu kaga adkaaday siyaasadda dekeddaha ay keentay xulashada magaabista mareeyaha dekeddaha iyo xeebaha biyaha Somaliland Eng.Siciid Xassan Cabdillaahi,mareeye kuxigeenka iyo masuuliyiinta u igmaddey Madaxweyne Muuse Biixi dekeddaha iyo biyaha badda cas ee somaliland,ayaa lagu tilmaamaa in guusha ay kaga adkaatey  dawladdaha isu-baaheysta soomaaliya iyo jabuuti  inay la dagalamaan horumarka ay ku talaabsatey dawlaadda Muuse Biixi,taasoo  dadka ku xeel dheer dhanka siyaasadda biyaha baddaha ay ku tilmaameen siyaasad degan oo ku saleysan diblamaasiyad ay isticmaaleen Mareeyaha maamula biyaha badda cas iyo dekedaha somaliland Eng.Siciis xassan Cabdillaahi iyo tiimkiisu istimaaleen

Ma ahan markii ugu horeysay ee Soomaaliya ay ka dhiidhiso heshiis ay Somaliland gashay. Sannadkii 2018-kii, Soomaaliya waxay ka mudaaharaadday heshiiska casriyaynta Dekedda Berbera ee ay Somaliland la gashay shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta, oo lagu majeertay mareeyaha dekedaha Eng.Siciid Xassan Cabdillaahi si adduun weynaha iyo shirkado caalami ah iyo dawladdo waa weyn daneeyaan xidhiidhka somaliland.taasoo aheyd imtaxaankii lagu tijaabiyey dawladda somalilans,laakiin in sawir wacan ka gudbo keeneen maamulka Dekedda Berbera.balse mudaaharaadkoodu waxa ay waayeen taageero sharci iyo taageero. Xaqiiqadu waxa ay tahay in wadamada mandaqada Geeska Afrika iyo beesha caalamkuba ay garanayaan maqaamka ay Somaliland ku leedahay madaxbanaanida iyo awooda ay u leedahay in ay arimaheeda ku maamusho si waafaqsan shuruucdeeda qaranka iyada oo ilaalinaysa shuruucda gobolka iyo tan caalamiga ah. Sidaa darteed, iskaashiga iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ee dhinacyada ganacsiga, nabadgelyada, iyo horumarka ayaa sidoo kale wax badan ka tari doona dhammaan bulshada Bariga Afrika iyo meelo kaleba.

sidee ayay Somaliland uga falcelisay mucaaradkan? J: Soomaaliya waxa ay sii ahaanaysaa dawlad fashilantay muddo tobanaan sano ah, waxaanay si firfircoon u raadinaysay laakiin kuma guulaysan inay curyaamiso kobaca Somaliland oo ah dal dimuqraadi ah .Xaqiiqadu waxa ay tahay in wadamada mandaqada Geeska Afrika iyo beesha caalamkuba ay garanayaan maqaamka ay Somaliland ku leedahay madaxbanaanida iyo awooda ay u leedahay in ay arimaheeda ku maamusho si waafaqsan shuruucdeeda qaranka iyada oo ilaalinaysa shuruucda gobolka iyo tan caalamiga ah. Sidaa darteed, iskaashiga iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ee dhinacyada ganacsiga, nabadgelyada, iyo horumarka ayaa sidoo kale wax badan ka tari doona dhammaan bulshada Bariga Afrika iyo meelo kaleba.